Home Wararka Maanta Somaliland oo Puntland ku eedeysay in ay ciidamo keentay aagga Tukaraq

Somaliland oo Puntland ku eedeysay in ay ciidamo keentay aagga Tukaraq

0

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ayaa maamul-goboleedka Puntland ku eedeeysay in ay ciidamo ku soo daabuleyso aagga Tukaraq oo horey marar badan ay ugu dagaallameen iyaga iyo Puntland.

Qoraal ka soo baxay xukuumadda Somaliland ayaa lagu sheegay in xaaladda Laascaanood ka taagan ay tahay mid ka weyn tabasho bulsho balse tahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo “cadow ku ah jiritaanka iyo qarannimada Somaaliland” oo ay ugu horreeyaan bey tiri “kooxaha argagixisada ahi.”

“Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Somaliland.

Dhanka kale, Somaliland waxay sheegtay in ay wali ka go’antahay dhaqangelinta go’aankeedii ahaa xabbad-joojinta aan shuruudda lahayn, waxayna dhinaca kale ee dagaalka kula jira ku eedeysay in uusan “diyaar u ahayn xabbad-joojin si buuxda uga dhaqangasho magaalada Laascaanood.”

Ad
Previous articleDowlada oo War Cusub kasoo Saartay Halka uu ku Danbeeyey Howlgaladii Kasocday Galmudug iyo Hirshabeele
Next articleIn ka badan 5,000 oo haween Ruush ah oo uur leh oo galay Argentina bilihii la soo dhaafay maxay ka doonayaan?