Home Wararka Maanta Mucaaridka Somaliland oo Muuse Biixi ugu Soo jeediyay inuu Xabada Ka...

Mucaaridka Somaliland oo Muuse Biixi ugu Soo jeediyay inuu Xabada Ka Joojiyo Laasacaanood

0

Mucaaridka Somaliland ayaa dalbaday in deg deg loo joojiyo dagaalka ka socda Laascaanood, kaasi oo galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ka dalbaday inay ku dhawaaqdo xabad joojin hal dhinac ah, si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, loona gaaro xal nabadeed.

“Si loo dhameeyo xiisadda Laascaanood, xal nabadeedna loo gaadho, waa in xukuumadda Somaliland ku dhawaaqdo xabbad joojin hal dhinac ah, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda,” ayuu yir guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo isagu markii u horeysay ka hadlay dagaalka socda.

Waxa uu sii raaciyay “Dawladdu waa inay fududaysaa gar-gaarka bini’aadantinimo ee dadka barakacay, ayna samayso dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda.”

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa hore ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay muujiso dulqaad, islamarkaana colaadda si dhaqso ah afka la qabto.

“Waxa aan si dareen iyo damqasho leh uga xumahay dhibta saaka ka dhacaysa caasimadda gobolka Sool ee Laascaanood, waxa aan si weyn ugu baaqayaa in colaadda afka la qabto, xukuumadduna muujiso dulqaad iyo dhibirsanaan,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in xalka Laascaanood uu ku jiro wada-xaajood iyo nabadeyn, balse uusan aheyn rasaas iyo dagaalka hadda socda toona.

“Maatida yaan la qaxin. Dhib kasta oo dhacda, xalkeedu xabad iyo rasaas maaha, xalku waa wada-hadal, wada-xaajood iyo nabadeyn.”

Hadalka mucaaridka Somaliland ayaa imanaya, xilli uu weli dagaal xoogan ka socda magaalada Laascaanood, islamarkaana uu galay maalintii shanaad oo xiriir ah.

Dagaalka saaka oo Jimce ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday iilaa saddex ruux oo labada dhinac ah, waxaana la sheegaya in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaacayeen magaalada.

Sidoo kale waxaa dadka yar ee ku haray gudaha Laascaanood ay saaka bilaabeen inay isaga tagaan halkaasi, maadaama uu dagaalka kasii daray, uuna galay maalintii shanaad.

Ad
Previous articleCiidamada Amniga Muqdisho oo soo Qabtayb rag Qaab Yaab leh ku dhacayay barakacayaasha
Next articleWiil Soomaali ah oo ka badbaaday dhulgariirkii Turkiga oo ka sheekeeyay waxa uu lasoo kulmay