Taliska Booliska Saldhigga Degmada Dharkenleey ayaa gacanta kusoo dhigay saddex nin oo la sheegay in hab yaab leh ku dhacayay dadka barakacayaasha ah ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho.
“Waxay dadka u sheegayeen in ay yihiin hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka, waxay ka aruursanayeen lacago dadka danyarta ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in raggaani ay lacag min 10 dollar ah ka qaadayeen dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Muqdisho, kadibna u qeybiyay kaarar been ah, una sheegay in ay dhawaan heli doonaan deeq lacageed iyo raaashin.
Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigayay rag burcad ah oo dadka dil u geysan jiray iyo kuwa xeelado kala duwan ku dhacayay bulshada, waxayna howl-galadan qeyb ka yihiin kuwa lagu xoojinayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Si kastaba, tuugada dhaca u geystada dadka ayaa aad ugu badan caasimadda Muqdisho, balse booliska ayaa si joogto ah u baacsada, hase ahaate weli mayaraanin oo dadka si joogto ah ayaa loo dhacaa, loona dilaa.
Dadka reer Muqdisho ayaa mudo dheer dhibane u soo ahaa tuugada agabka ka furata, marar qaarna disha iyo argagixisada oo dil iyo qarax isugu darta kuwooda hal-doorka ah, balse hadda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hay’adaha amniga ayaa si joogto wacad ugu mara in amniga Muqdisho ay wax badan ka qabanayaan.
Waxaa xusid mudan in meelaha xasaasi ah ee ugu muhiimsan magaalada lagu daadiyey ciidan Dharcad ah, si dhaq-dhaqaaqa bulshada ay ula socdaan, amni darradana ay uga hor tagaan.