Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Goordhow Magacaabay Hanti Dhowraha Guud ee Qaran

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Goordhow Magacaabay Hanti Dhowraha Guud ee Qaran

0

Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Kulankan oo ahaa midka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu magacaabay Hanti-dhowra cusub, kaas oo ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Hany-dhowraha cusub ayaa waxaa loo magacaabay Abuukaate Axmed Ciise Guutaale, kaas oo ay soo jeedisay in xilkan loo magacaabo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Guutaale ayaa ah nin aqoonyahan ah, sidoo kale ka soo shaqeeyay warbaahino kala duwan, isaga oo sidoo kale ahaa agaasimaha Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa bedalaya  Maxamed Cali Afgooye oo horay xilkan usoo hayey, kaas oo ay magacowday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Golaha ayaa sidoo kale ka dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka hadlay ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.

Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.

Ugu dambeyn wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga  ayaa Golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyada oo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMusharax la dilay oo ku guuleystay doorashada kursigii uu u tartamayey (Sawirro)
Next articleDhaawacyo laga Keenay Magaalada laaasacaanood oo muqdisho laga Soo Dajiyay