Home Wararka Maanta Xildhibaan Isaaq Maxamed oo Caawa lagu Dilay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo...

Xildhibaan Isaaq Maxamed oo Caawa lagu Dilay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo baxaysa

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenley ku dilay Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo katirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa xildhibaan Isaaq Maxamed ku dhuftay dhoor xabadood, iyagoona dilka kaddib goobta isaga baxsaday, ciidamada ammaanka oo gaaray goobta dilku ka dhacay ayaana ku guuleesan soo qabashada kooxda dilka geesatay.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii uu ka baxay Xildhibaan Isaaq Maxamed Xasan oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo janadii fardowso ehelkii iyo guud ahaan shacabka Jubaland ee uu ka baxayna rabi samir iyo iimaan ka siiyo.

Dilka caawa magaalada Muqdisho loogu geestay xildhibaankan katirsanaa baarlamaanka Jubbaland ayaa imaanaya, xilli isbuuc kahor sidan oo kale Muqdisho loogu dilay wasiir katirsaneyd dowlad goboleedka Jubbaland.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleHeshiiska Soomaaliya iyo Imaaraadka: Maxaa loo fasaxay Imaaraadka in ay ka sameeyaan Soomaaliya?
Next articlemadaxweyne Cali Guudlaawe oo Sameeyey Magacibis Yaab leh oo Hadal Hayn Badan Dhalisay