Home Wararka Maanta Indha Cadde oo shaki galiyay Dilka General Galaal ee Shabaab isagoo ku...

Indha Cadde oo shaki galiyay Dilka General Galaal ee Shabaab isagoo ku baaqay Baaritaan

0

Weerar dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay dad badan uu ku jiro Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo katirsanaa saraakiishii hore ee milatariga Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilka Janaraal Galaal, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in mudo sanado badan ku daba jireen ayna raadinayeen sidii ay ku dili lahaayeen Janaraal Galaal ay ku eedeeyeen dambiyo badan in uu ka galay.

Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo kamid ahaa saraakiishii gurmadka u tagay Hotelka Afrika ayaa shaki ka muujiyay in Janaraal Galaal ay dileen kooxda Al Shabaab, waxa uuna Janaraalka shaki ka qabaa in ciidamada dowladu dileen Jananka.

”Waxaan tagay Jananka meesha uu ku dhintay, tuhun badan ayaana ka qabaa in Jananka gacanta Shabaabku ku baxay, markaan kaashaday aqoonteeda iyo sida ay wax u dhaceen waxaan tuhun badan ka qabaa in Shabaabku gacantooda ku bixin Jananku” Ayuu yiri Indhacadde

Indha Cadde ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo sida uu u dhacay dilka Janaraal Galaal, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in ay baaraan dad isugu jira ehelkiisa ,dowlada iyo dad aqoon u leh baaritaanada.

”Jananka hal xabo ayaa ku dhacday waxa ayna uga taalay qadaadka, waxa uu joogay  barandada qolkiisa, waxaana meydka Jananka agyiilay nin Shabaab ah oo bambo F1 gacanta ku heestay nin kalana waxa uu yiilay meel u jirta hal mitir, ninka yaalay meesha u dhaw Janan meesha kuma dhiman ee waa lasoo dhigay meydkiisa, waxaa isweediin mudan sadex nin oo dagaalameysa nin walbana uu qoray wato maku wada dhiman karaan labo mitir meel isku jirta, mida kale sidee Jananka xabada qadaadka uga dhacday hadana loo kor saaray nin bambo wata oo Shabaab ah sidoo kale hubeesan,  aniga waxaana aaminsanahay in labada ninba meesha lasoo dhigay oo lasoo qaaday, shaki baan ka qabnaa sida ay wax u dhaceen waxaana dowlada ka codsaneynaa in la baaro” ayuu yiri Indha Cadde.

Janaraal Indha Cadde ayaa sheegay in uusan oraneyn Madaxda Dowlada ayaa amartay dilka Janaraal Galaal balse uu qabo tuhun weyn oo la xiriira in Al Shabaab aysan dilin Jananka uuna la dagaalamay ragaasi .

Warkan kasoo yeeray Yuusuf Indhacadde ayaa kusoo aadaya xili Al Shabaab sheegatay masuuliyada dilka Janaraal Galaal oo lagu aasay magaalada Guriceel, mana jiro wax war ah oo dowlada kasoo saartay tuhunka Indhacadde iyo codsiga ku aadan in la baaro dilkan.

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleGaalkacyo oo lagu qabtay Kulan looga Hadlayo Amaanka Magaalada ee Sii Xumaanaya
Next articleSawiro:- Shir Hordhac ah oo Saaka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada