12 askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland oo uu ku jiro Gaashaanle dhexe Axmed Faarax Dacar Abaanduulihii Guutada Dhufsade, ayaa ku geeriyooday dagaalka saaka ka dhacay magaalada Laascaanood, Sida ay ii xaqiijiyeen ilo-wareeedyo kala duwan.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac, balse wararka hordhaca ah ayaa xaqiijinaya in dhimasho iyo dhaawac badan uu jiro.
Dhanka kale 7 carruur ah iyo hooyadood ayaa ku Geeriyooday laascaano kadib markii uu ku dhacay Gurigooda Madfac Hub culus.
War-Murtiyeed kasoo baxay shirka Laascaanood uga socday waxgaradka gobolada SSC ayaa lagui shaaciyey in gebi ahaanba ay iska diiddeen ka sii mid ahaanshaha Somaliland.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay ka mid yihiin oo ay hoostagaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay