Meydadka labo mutadawiciin ah oo British ah oo lagu dilay bariga Ukraine bishii Janaayo ayaa la helay iyagoo qeyb ka ah maxaabiis ay isku dhaafsadeen Ruushka.
Madaxa shaqaalaha ee madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in meydadka Chris Parry oo 28 jir ah iyo Andrew Bagshaw oo 47 jir ah hadda dib loogu celiyay Ukraine.
Lama sheegin xilliga lagu wareejin doono shaqaalaha safaaradda Ingiriiska si dalkooda loogu duuliyo.
Ad