Home Wararka Maanta Buundo Casri ah looga Dhagax Dhigay Magaalada Muqdisho

Buundo Casri ah looga Dhagax Dhigay Magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay Buundo loogu tala-galay fududeynta isku socodka dad-weynaha istecmaala wadada dheer ee Buulo Xuubey gaar ahaan Ardeyda wax ka barta Dugsiga Jabuuti ee Degmada Wadajir.

Dhagax-dhiga Buundada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle, iyadoona ay noqoneyso markii ugu horeesay oo Buundo nuucaan oo loogu tala galay fududeynta isku socodka dadweynaha laga hirgeliyo Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa xusay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay dib-u-dhiska Caasimadda iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo gawaarida istecmaala wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoona Qorshaha Maamulka uu ku jiro sidii loo dhisi lahaa Buundooyin hor leh oo ku cusub Magaalada iyo dib-u-dayactirka kuwii hore u jiray.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Xiisadii Ka Taagbayd Magaalada Hobyo oo Heshiis Hordhac ah Laga Gaaray
Next articleUkriane:Labo qof oo mutadawicin ah oo u dhashay UK oo meydadkooda la soo helay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here