Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidamo sugaya Amniga Deegaanno laga saarayo Al Shabaab oo la diyaariyay (Sawirro)

Ciidamo sugaya Amniga Deegaanno laga saarayo Al Shabaab oo la diyaariyay (Sawirro)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta tababar u soo xiray dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubaland oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo Booliska Sida gaarka ah u tababar ayaa gaaraya 150 askari iyadoo maanta tababarka loogu soo xiray Akadeeniyada Ciidanka Booliska Jubaland ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha Argagixisada ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo ciidamada xooga dalka.

Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubaland ee dhawaan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay Deegaanada Aw qumbaale, shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iyadoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaanadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islama ayaa sheegay in howlgalada bilowday ay sii socon doonan isla markaan laga xorayn doono dhammaan deegaanada Jubaland gaar ahaana Magaalada Caasimada ah ee Bu’aale wakhtiyada dhow.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Ciidamadan ay ka howlgali doonan dhammaan deeganadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Kooxda Khawaariijta ah isla markana ay kala wareegi doonan masuuliyada sugida amniga Ciidamada qalabka Sida.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG: DF oo shaacisay in la dilay horjooge Xasan Cadde iyo xubno kale oo Shabaab ah
Next articleAtoore caan ah oo nin feer ku dilay oo la xukumay