Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Dhaqdhaqaaq Ciidan markale ka Bilowday Laasacanood

Soomaaliland oo Dhaqdhaqaaq Ciidan markale ka Bilowday Laasacanood

0

Xukuumadda Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo uu ka furmayo shirka aaya-ka-tashiga beelaha SSC.

Somaliland ayaa ciidamo horleh soo dhoobtay nawaaxiga Laascaanood, halkaasi oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamo kooban, waxaana ujeedka lagu sheegay xoojinta amaanka guud ee magaalada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamada dheeraadka ah ee gaaray Laascaanood ay markii hore waxa uu fadhigooda ahaa duleedka deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag, oo ay soo faarujiyeen.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa ku soo aadaya, xilli lagu wado in uu maalmaha soo socda Laascaanood ka furmo shirka aaya-ka-tashiga beelaha SSC.

Somaliland ayaa hore u sheegtay in ay sugeyso amniga shirwaynaha beelaha gobolku ay Laascaanood ku yeelanayaan iyo ka guud ee magaalada, ayada oo banaanka usoo baxeen in garaadada shirkaan ka qeyb-galaya ay wataan ciidamo badan oo hubeysan.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa Isniintii si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland, waxayna soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada.

Isniintii ayaa waxay reer Laascaanood muujiyeen in aysan raali ka ahayn in mardambe laga maamulo Hargeysa, islamarkaana ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMuxuu qofka wata baasaboorka Soomaaliya ka faa’idayaa haddii ay Soomaaliya ku biirto bariga Afrika?
Next articleMuqdisho oo lagu Arkay Raisal Wasaare Hore oo Dhex Lugeenaya Wadooyinka. Sawiro