Home Wararka Maanta Hoogaamiyihii Daacishta Soomaaliya oo la Dilay Xili Larabay in La Qabto

Hoogaamiyihii Daacishta Soomaaliya oo la Dilay Xili Larabay in La Qabto

0

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dishay Hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya iyo tiro Maleyshiyaad ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda gobolka Bari lagu dilay Horjooge Bilaal-al-Sudani oo ahaa hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale oo kooxda ka tirsanaa, warka ayaa lagu yiri” Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelin”.

Halwgalkan ayay dowladda Mareykanku sheegtay in aysan dad shacab ah waxyeelo ka soo gaarin, sidoo kalena ciidankooda aysan waxyeelo ka gaarin iska caabinta Khawaarijta.

Ad
Previous articleSarkaal ka Mid ahaa Saraakiiishii Qabtay Magalada Xarardheere oo geeriyooday kadib Dagaal qaraar oo Dhacay
Next articleMuxuu qofka wata baasaboorka Soomaaliya ka faa’idayaa haddii ay Soomaaliya ku biirto bariga Afrika?