Home Wararka Maanta Ronaldo iyo lamaanihiisa oo Durbaba jabiyeen sharci aad u adag oo u...

Ronaldo iyo lamaanihiisa oo Durbaba jabiyeen sharci aad u adag oo u yaallay Sacuudiga.

0

Tan iyo Markii uu Cristiano Ronaldo ku biiray kooxda ka dhisan dalka Sacuudiga ee Al-Nasr waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta lagu faafinayay muuqaallo laga arkayo isagoo la cunteynaya madaxda Sacuudiga, mararka qaarna waxa uu sameynayay jimicsi.

Xiddiggan weli ma uusan ciyaarin kulankiisii ugu horreeyay ee qeyb ka ah horyaalka Sacuudiga, maadaama ay saarneyd xayiraad labo ciyaar ah oo ay kusoo rogeen xiriirka kubbadda cagta ee Ingiriiska.

Hase yeeshee waxaa hadda si weyn loo hadal hayaa arrin ku saabsan isaga iyo haweeneyda lamaanihiisa ah oo ay Sacuudiga isla joogaan.

Gudaha dalka Sacuudiga, waxaa mamnuuc ah in nin iyo haweney aan is guursan ay sameeyaan xiriir jinsi ama galmo, waana arrin dambi ka ah dalkaas oo ciqaad aad u adag lagu muteysto.

Qaar ka mid ah dadka ka hadla arrimaha ciyaaraha, oo ay soo xigatay BBC-da laanteeda luuqadda Urdu ayaa sheegay in Ronaldo uu gogol la wadaagayay lamaanihiisa oo lagu magacaabo Georgina, taasoo aysan weli is guursan.

Mowduucan ayaa hadal-heyn aad u weyn ka dhex abuuray baraha bulshada, dadka qaarna waxay sheegayeen in Ronaldo uu halis ugu jiro sharciga ciqaabta adag.

Waxaase xusid mudan in la sameyn karo fasax gaar u ah Cristiano oo looga weecinayo in uu qabto xeerkaas.

Weli ma jiro wax war ah oo ay dowladda Sacuudiga iyo kooxda u uku biiray laacibkan kasoo saareen arrintaas.

Ronaldo qudhiisa wax jawaab ah kama uusan bixin hadal-heyntan sii ballaaraneysa.

Warbaahinta caalamka qaarkeed, oo uu ka mid yahay wargeyska Hindistan Times ayaa qoraya in Ronaldo iyo lamaanihiisa ay si bareer ah u jebiyeen sharciga Sacuudiga, halka mas’uuliyiinta dalkaasna ay ilaa hadda iska indho tirayaan arrintaas.

Tallaabadii uu ciyaaryahankan taariikhiga ah ugu biiray horyaalka Sacuudiga ayaa isbaddal weyn ku sameysay guud ahaan kubbadda cagta Carabta, inkastoo dhinaca kalena la rumeysan yahay in ay saameyn doonto dhaqanka iyo shuruucda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWasiir Cawad oo ka horyimid Talaabadii uu Doorashada u qaaday Saciid Deni.
Next articleAlshabaab oo Duqayn Diyaaradeed looga Dilay Inka Badan 50 Askari Xili Ay Dagaal Culus Qaadi Rabeen