Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday iney cafineyso kalabar deymaha ay ku leedahay Soomaaliya, iyadoo arrintan ay daba socoto dalab hore uga yimid xukuumada Muqdisho.
Agaasimaha waaxda geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta Zayd Saban ayaa ku dhawaaqay go’aankan, isagoo sheegay iney kusoo wargelisay xukuumada Baqdaad cafinta qeyb kamida deymaha.
Wareysi uu siiyay wakaalada wararka ee MENA ayuu dhinaca kale dalalka kale ee Carbeed ugu soo jeediyay iney fuliyaan qodobadii kasoo baxay shirkii u danbeeyay ee dalalka carabta ee lagu go’aamiyay in deymaha laga cafiyo Soomaaliya, si ay awood ugu yeelato iney qaadato deymo cusub.
Kudhowaad 187 Million oo doollar ayey gaareysaa wadarta guud ee lacagaha deyn ahaanta dowladda Ciraaq ugu leedahay Soomaaliya, taasoo hadii kala bar la cafiyo ka dhigan talaabo hore loogu qaaday geediga deyn cafinta Soomaaliya oo dar dar ku socdo.