Home Wararka Maanta Waa Tan sababta ay Puntland u diiday qaar kamid ah qodobada lagu...

Waa Tan sababta ay Puntland u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay inay saxiixaan

0

Dowlad goboleedka Puntland ayaa iska diiday saxiixa labo kamid ah 5 qodob oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ku jiray war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay saq-dhexe lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya.

War-mutiyeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Saciid Deni oo diiday in uu saxiixo labadaas qodob oo kala ah:- In la Federaaleeyo Garsoorka iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda oo ku jiray qodobada xalay la shaaciyey ee warmurtiyeedka.

“Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah. Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka xalay la shaaciyay.

Haddaba Maxay tahay sababta ay PUNTLAND u diiday qaar kamid ah qodobada lagu heshiiyay?

Puntland oo la hirgeliyay sanadkii 1991-kii ayaa ah maamulkii ugu horreeyay ee aas-aasmay kadib burburkii dowladda dhexe, waxaana loogu yeeraa ‘Hooyada Federaalka’.

Sababta ugu weyn ee ay u diiday qodobadaan ‘ayaa loo arkaa inay la xiriirto dhanka awoodda’, maadaama ay Puntland si goon ahi u maamulato howlaheeda gaarka ah.

Waxyaabaha ugu weyn ee ay uga hortimid qodobka koowaad oo ah in la federaaleeyo nidaamka Garsoorka ayaa waxaa loo sababeeyay inay dooneyso in garsoorkeeda uu ka madax banaanado dowladda dhexe, maadaama dhowaan uun ay sameysatay Maxkamad Dastuuri ah, sida ay sheegayaan khubadara falan-qeeya arrimaha siyaasadda gudaha.

AWOODAHA

Qodobka labaad ayaa ah Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda oo ay Puntland diiday, waxayna isu aragtaa sidii dowlad oo kale oo aan la mid aheyn awoodaha ay leeyihiin dowlad goboleedyada lamidka ah ee haatan saxiixay war-murtiyeedka la soo saaray.

Ujeedka ay Puntland u qaaday tallaabadan ayaa lagu micneeyay mid ay ku dooneyso inay uga madax banaanaato dowladda federaalka Soomaaliya oo ay horay marar badan isugu qabteen arrimaha maamulka, sida waxbarashada, ciidamada iyo sidoo kale siyaasadda.

Diidmada Puntland ayaa dhanka kale muujineyso inuu hooseeyo xiriirka iyo is fahamka kala dhexeeyao dowladda federaalka uu ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xarig jiidka siyaasadeed ee labada dhinac ayaa soo billowdy, kadib doorashadii 15-kii May, ee sanadkan, wuxuuna banaanka usoo baxay markii uu Saciid Deni waayay kursiga Ra’iisul wasaaraha, kadib markii loo magacaabay Xamza Cabdi Barre oo deegaan ahaan kasoo jeeda Jubbaland, waxaana tan markaas uu sameynayey dib u garasho siyaasadeed.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowladda Sacuudiga oo Shaacisay Go’aan ganacsato Soomaaliyeed ka farxiyay
Next articleMagaalada Laascaanood oo Rabshado ka Socdaan Maanta, Dad Shacab ah oo lagu dilay