Home Wararka Maanta Fanaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ka mid ahaa Fanaaniinta Caanka ee soomaaliya...

Fanaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ka mid ahaa Fanaaniinta Caanka ee soomaaliya oo geeriyooday

0

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdinaasir Macallin Caydiid oo kamid ahaa Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimada wadanka Ethiopia, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa.

Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay isbitaalka u jiifay xaalad caafimaad daro oo la soo daristay, waxaana loo qaaday dalka Ethiopia oo uu haaatan ku geeriyooday.

Qaar kamid ah Fanaaniinta caanka ah ayaa ka hadlay geerida Cabdinaaasir Macallin Caydiid, waxayna Eebbe uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannadii Firdsowso.

“Ilaahay Ha u Naxariisto Ustaad Cabdinasir Macalin Caydiid qabriga Alle ha u nuuriyo dhamaan ehelka qaraabada iyo Soomaali oo dhana samir iyo iimaan Ilaahay ha’inaga wada siiyo,” yiri Fanaan Dalmar Yare oo ka hadlay geerida Marxuumka.

“Hadhacii Fardowsaad Halhaleel ku gal AUN Aabe Cabdinaasir Macalin Caydiid wuxuu ahaa macalinkayga,” ayuu isna yiri Fanaan Qamar Suugaani.

Haddaba kumuu ahaa Cabdinaasir Macallin Caydiid?

Sidoo kale wuxuu fanka ku biiray horraantii sanadihii 1980-yadii, isaga oo bartay tumista Kabanka ama Cuudka oo layaqaan boqorka miyuusiga Soomaalida, waxaana uu u tumay fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Sahra Axmed Jaamac , Axmed Mooge Liibaan, Aamina Cabdilaahi Xirsi, Axmed Gacayte, Kinsi Xaaji Aada, Saynab Cige Maxamed iyo qaar kale oo badan.

Wuxuu sida oo kale ahaa laxamiste iyo heesaa qaaday heeso dhawr ah oo aad macaan oo ay ka mid ahaayeen nabsi oo uu lahaa Xuseen Rooble (Xaa-Gujis) iyo kuwo kale oo ay qaarkood ka hadlayeen noloshiisa gaarka aheyd.

AUN marxuumka ayaa sanadihii dambe ku noolaa Somaliland, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Hargeysa isagoo kamid ahaa tiirarka waaweyn ee Fanka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleOdayaashii Reer Xaaji Saleebaan ee Dhawaan Lasoo Xiray oo Goordhow Laga Soo Dhoofiyay Dhuusamareeb
Next articleTirada Dadka Qabowga ugu dhintay Dalalka Mareykanka iyo Canada oo Korortay