Home Wararka Maanta Maamulka Ethiopian Airlines oo war ka soo saaray shilkii ku qabsaday garoonka...

Maamulka Ethiopian Airlines oo war ka soo saaray shilkii ku qabsaday garoonka Muqdisho

0

Maamulka diyaaradda caalamiga ah ee Ethiopian Airlines ayaa war ka soo saaray shil caawa maqribkii qabsaday dayuurada shirkadaas oo ka duuleysay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

“Shirkadu waxay xaqiijinaysaa ineysan jirin wax gubasho ah oo diyaaraddu kala kulantay magaalada Muqdisho.

Diyaaradda Ethiopian Airlines, duulimaadkeedii galabta ayaa matoorka diyaaradda waxaa galay Shimbirka GorGorka, cilad qabsatay oo aan markaas la xallin karin ayaa sabab u noqotay in diyaaraddu baaqato’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxa shirkadda

Ethiopian Airlines ayaa intaa ku dartay in dadkii rakaabka ahaa ee safarkoodu baaqday dhammaantood la dajiyey Hotel ku yaalla Gudaha Garoonka dayuuradaha ee Muqdisho.

Shirkadu waxay sheegtay iney ka xun tahay dib u dhaca ku yimid duulimaadkii galabta, iyadoo balan-qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan arrintaas loo xalin doono.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Xildhibaanad Ilhaan Omar
Next articleMagaalada Laascaanood oo Caawa lagu dilay Cabdifitaax C/llaahi Cabdi (Hadraawi Sangub)