AUN waxa ay xalay dhiig bax ugu geeriyootay degmada Wisil ee gobolka Mudug, Hooyo kamid ah Dadka Deegaanka ka dib markii ay ku umushay gurigeeda dhexdiisa.
Sababta ugu weyn ee hooyadan ku qasabtay in ay gurigeeda ku dhex umushu waa MCH-ka degmada oo aan laheyn adeeg caafimaad oo dhammeystiran iyo safarka ay magaalada Gaalkacyo ku gaari laheyd oo aan ku simeyn foosha, waana ayaan darro weyn in xildhibaannadii degmadan kasoo galay Golaha Shacabka iyo Aqalka sare aysan u kicin in degmadan hesho adeeg caafimaad oo tayo leh.
Isbitaalka degmada malahan agab caafimaad oo ku filan daryeelka bulshada ku nool, waxaa xusid mudan in ay tahay magaalo difaac uga jirta khawaarijta, ayna aheyd in ay hesho xarumo caafimaad oo tayadoodu sarreyso, tiiyoo ay jirto in ay gobolka joogaan dhakhaatiir xirfaddoodu sarreyso, oo ku filan daryeelka bulshadaas, balse ay la’yihiin dowlad xirfaddooda uga faa’ideysa dadka, una hirgalisa xarumo caafimaad oo dhammeystiran.
Dowladda Federaalka waxa ay dhawaan degmada Cadale ka hirgelisay isbitaal dhammeystiran oo leh agab caafimaad oo ku heer ah kuwa isbitaallada waaweyn ee Muqdisho, waxaa lagu howlgaliyay muddo ka yar toddobaad, waxaa la geeyay dhakhaatiir caafimaad oo xirfad sare leh, waxaa la geeyay daawo ku filan, wuxuuna daboolay baahiyihii caafimaad ee guud ahaan furimaha gobolka Sh/dhexe.
Maxaa degmada Wisil oo muddo 2 sano ah ku jirta dagaalka khawaarijta u diiday in ay hesho isbitaal tayo leh, lagu daweeyo dhaawacyada ciidamada furimaha Mudug, sidoo kalena ay bulshada Koonfurta Gobolka Mudug ka helaan adeeg caafimaad oo ku filan?.