Home Wararka Maanta Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo dib u dhigtay Qaadista imtixaankii Dowladda

Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo dib u dhigtay Qaadista imtixaankii Dowladda

0

Wasaaradda Waxbarashada oo hal todobaad dib u dhigtay Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddo todobaad ah dib loo dhigay imtixaanka Shahaadia ah ee dugsiga sare.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay halkaan kula wadaagaysaa dhammaan bahda Waxbarashada gaar ahaan masuuliyiinta dalladaha, maamulayaasha dugsiyada, ardayda iyo waalidiinta in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare uu ku yimid dib dhac kooban oo ah asbuuc. Dib u dhacaan oo ka yimid culeysyada soo kordhay maalmihii la soo dhaafay, taas oo saamaysay ardayda, ayay Wasaaraddu garawsatay in lagama maarmaan ay tahay in ardayda la siiyo waqti dheeri ah si ay isugu diyaariyaan imtixaanka.

Haddaba, Wasaaraddu iyada oo ka amba-qaadeysa dib-u-dhacaas ayaa waxay halkaan idinkula wadaageysa in imtixaanka sannad-dugsiyeedkan 2020/21 la qaadi doono 29ka Maajo illaa 2da Juunyo, 2021. Sidaas daraadeed, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa dhammaan ardayda ka qayb-gelaya imtixaanka in ay waqti siiyaan muraajacada cashirrada si ay ugu guuleeystaan imtixaanka ayna u helaan natiijo ku habboon dedaalkooda.

Wasaaraddu waxay u rajaynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan imtixaanka u fariisanaya Nasiib Wanaagsan iyo Mustaqbal Horumarsan.

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleGudoomiye Ku xigeeno ka Tirsan Gobalka Banaadir oo xilkii Laga qaaday
Next articleDeg Deg Heshiis Lagu gaaray Muqdisho iyo Ciidamada oo Laga saarayo Goobihii ay deganaayeen (Sawiro)