Home Wararka Maanta Booliska oo soo soo xiray macallin dugsi qur’aan oo oo Goystay falal...

Booliska oo soo soo xiray macallin dugsi qur’aan oo oo Goystay falal naxdin leh

0

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciidamada amaanka ay maanta soo xireen macalin dugsi Qur’aan oo lagu eedeeyay in uu kufsi u geystay saddex gabdhood oo yar yar.

Gabdhaha loo haysto macalinka dugsiga in uu kula kacay kufsiga ayaa labo kamid ah da’dooda ka yar tahay 10-sanno jir.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in macalinka uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Dhuusamareeb.

“Taliska Boliiska Galmudug gaar ahaan saldhiga degmada Dhusamareeb ayaa ku guuleystay soo qabashada Edeysane Shuceyb Cabdi Maxamuud 27 jir macalin dugsi ah oo 3 gabdho oo labo ay yihiin 9 jir midna ay tahay 7 jir kufsi u geystay,” ayey tiri Jeneraal Zakiya.

Waxay sii raacisay qoraalkeeda “Waxaana u mahad-celineynaa bulshada sida hufan nagala shaqeysay soo qabashada eedeysanaha. Bulsho iyo boliis is kaashado waxeey ka hortagi karaan balo walba.”

Dhacdadaan kufsiga ah ee lagu eedeeyay macalinka dugsiga ayaa noqotay mid bulshada aad uga argagaxeen, waxayna hadal heyn badan ka dhalisay Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleNuur Macalin Abuukar Calasow oo ka Tirsanaa Alshabaab oo Goordhow isisoo Dhiibay(Sawiro)
Next articleGudoomiye Maxamed Xaaji Xasan oo Goordhow Toogasho Qorshaysan Lagu Dilay