Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo loogu deeqay lacag $70 milyan oo dollar ah

Dowlada Soomaaliya oo loogu deeqay lacag $70 milyan oo dollar ah

0

Bankiga Adduunka ayaa sheegay inuu ansixiyay lacag dhan $70 milyan oo lagu horumarinayo adeegyada biyo joogto ah, beeraha, iyo deegaanka ee bulshooyinka reer miyiga ah ee ku nool dhulka qalalalan ee Soomaaliya.

Mashruuca Biyaha Miyiga Soomaaliya oo loo yaqaan “Barwaaqo” laguna dhisayo mashruuca Biyoole ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro aan horay loo arag, islamarkaana ay ka sii dareyso cunno yarida ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

Chantal Richey oo Bankiga Adduunka u qaabilsan biyo-bixinta ayaa sheegtay in Mashruuca Barwaaqo uu isku dari doono la qabsiga isbeddelka cimilada iyo tallaabooyinka lagu yareynayo, islamarkaana uu taageerayo xoojinta maareynta kheyraadka dabiiciga ah.

“Tani waxaa ka mid ah keydinta biyaha, ilaalinta ciidda, dhiraynta, iyo dib u soo celinta seeraha baraha biyaha kasoo burqamaan si tartiib tartiib ah looga dhigo dhul cagaaran,” ayey tiri Richey.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan lagu ballaarin doono adeegyada Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, iyadoo lagu kordhin doono laba dowlad goboleed oo dheeri ah oo kala ah, HirShabeelle iyo Jubbaland, kuwaas oo mashruuca diiradda lagu saari doono deegaannada ka fog fatahaadaha ee webiyada Shabeelle iyo Jubba.

Bankiga Adduubnka ayaa sheegay in mashruucani uu biyo siin doono 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda hela adeegyo kooban iyo biyo aan nadiif aheyn.

Kristina Svensson, oo ah agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay u dhistaan adkeysi iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la horumarinayo helitaanka kheyraadka biyaha ee dhulka qalalan.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in caqabadaha deegaanka, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada sannadihii la soo dhaafay, ay horseedeen xaalufinta in ka badan rubuc ka mid ah dhulka Soomaaliya, taas oo ay weheliso xaalufka iyo luminta ciidda, oo halis gelisay hab nololeedka reer miyiga.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMudo kororsigii uu Horay usamaystay Laftagareen oo Qarka usaaran inuu Fashilmo
Next articleWAR DEG DEG AH: Diyaarad Goordhow Ku Burburtay Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud