Home Wararka Caalamka Boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz oo Wiilkiisa iyo Xubo kale u...

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz oo Wiilkiisa iyo Xubo kale u Magacaabay Xilal Sare

0

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman Bin Abdulaziz ayaa magacaabay wasiirka cusub ee dhaqaalaha, halka wiilka ugu weyn carruurtiisa nool-na uu u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee boqorka.

Boqor Salman ayaa wasiirka dhaqaalaha iyo qorsheynta u doortay Faisal al-Ibrahim, oo horeey u ahaa wasiirka ku-xigeenka wasaaradda, xilkaas oo uu hayey tan iyo horraantii 2018.

Al-Ibrahim ayaa sidoo kale horey xilal uga soo qabtay shirkadda shidaalka dalkaas ee Aramco iyo Golaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarinta, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan ayaa ahaa sii-hayaha xilka wasiirka dhaqaalaha tan iyo sanadii tegtay markii la beddelay wasiirka dhaqaalaha.

Dikreeto kale oo ay daabacday warbaahinta dowladda, ayaa Boqor Salmaan wuxuu Amiir Sultan bin Salman ugu magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee aabihiis.

Amiirka ayaa horey madax uga ahaa Maamulka Hawada Sare ee Sacuudiga, isaga oo cuskanaya khibraddiisa ah inuu ahaa cir bixyeenkii ugu horreeyey ee Carbeed ee taga hawada sare 1985-kii

Maamulka Hawada Sare ayaa waxaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Abdullah al-Swaha, oo sidoo kale ah wasiirka isgaarsiinta iyo taknoolajiyadda.

Iman al-Mutairi ayaa loo magacaabay wasiir ku-xigeenka ganacsiga, ayada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas ka qabata Sacuudi Carabiya.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Rooble oo Magacaabay Gudi u Xilsaaran Khalalaasihii ka dhacay Muqdisho
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo kulan la qaadanaya Saraakiishii kasoo horjeesatay Mudo kororsiga