Home Wararka Maanta Madaxweynaha Somaliland Oo 7 Shardi Ku Xiray Wadahadalka Soomaliland iyo Soomaaliya ee...

Madaxweynaha Somaliland Oo 7 Shardi Ku Xiray Wadahadalka Soomaliland iyo Soomaaliya ee Xasan Shiikh Shaaciyay

0

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay ka hadlay wadahadal uu la furo dowladda Soomaaliya, iyadoo arrintan uu habeen kahor shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr.Biixi oo qasriga madaxtoyada ee Hargeysa ku qaabilay ergo ka kala socotay dowladaha Norwey iyo Turkiga oo wadahadalkan fududeynaya ayaa u soo bandhigay todobo shuruudood oo uu sheegay in hadii la fulinayo oo kaliya ay gogosha wadahadalka tagayaan.

Shuruudahaas ayaa kala ah; in loo wada-hadlo sidii labada dowladood.

In la helo xal ku dhamaada laba dowladood oo kala madaxbannaan.

In la hirgaliyo dhamaan heshiisyadii lagu gaaray wada-hadaladii hore, hadii la doonayo in dib loo bilaabo wada-hadalada.

In la helo nidaam caalami ah oo dhex dhexaadin ah, kaasi oo damaanad qaadi kara fulinta qodobada lagu heshiiyo.

In la helo xoghayn maamusha xogta shirarka, xoghayntaasi oo aamin ah, dhexdhexaad ah, isla markaana ku sifowday howlkarnimo, sidookale.

In la helo xeerar lagu dhaqmo inta wada-hadaladu socdaan.

Iyi in loobahanyahay ajende qeexaya khilaafka labada dhinac si looga wada-hadlo arrimaha udub dhexaadka u ah, isla markanaa uu wada-hadalku noqdo mid wakhtiyaysan oo wakhti xadidan kusoo dhamaada.

Si kastaba, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa laga yaabaa inuu maanta u duulo dalkaasi Jabuuti, halkaasoo is aragoodii u horeeyay ay ku yeelanayaan isaga iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waana bilowga halka ya ka bilaabaneyso wadahadalada labada dhinac.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWiilka Uu Dhalay Museveni Oo Hal Arrin Dalbaday Si Uu Aabbihiis Xilka Ugala Wareego.
Next articleMuuse Biixi oo u ambabaxay Dalka Jabuuti oo uu Ku suganyahay Madaxweyne Xasan Shiikh Xili La Filaayo inay Bilowdaan Soomaaliland Iyo Soomaaliya