Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay u ambo baxaan dalka Jabuuti , halkaas oo la filayo madaxweynaha in uu kusoo xiro shir ka socday
Sida aan wararka ku helnay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti kulamo kala duwan la filayaa in uu la qaato madax katirsan dowladda Jabuuti .
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa safarkiisa Jabuuti uga sii gudbi doona dalka Mareykanka , oo uu ka dhacayo shir u dhaxeeya madaxda dalalka Afrika iyo sidoo kale dowladda Mareykanka.
Shirka ka dhacaya dalka Mareykanka ayaa la filayaa in looga hadlo xoojinta xiriirka u dhaxeeya dowladaha Afrika iyo Mareykanka gaar ahaan xoojinta xiriirka dhinaca ganacsiga ee labada dhinac u dhaxeeya.