Home Wararka Maanta Gudoomiye Aadan Madoobe oo go’aan culus kasoo saaray xeerka Jinsiga ee Muranka...

Gudoomiye Aadan Madoobe oo go’aan culus kasoo saaray xeerka Jinsiga ee Muranka Badan Dhaliyay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay dooda ka dhalatay xeerka Jinsiga ee uu horey u diideen Baarlamaankii hore.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal heynta ka dhalatay xeerkan oo maalmihii u dambeeyey qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay su dhow ula socdaan walaaca Culimada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay xeerkan oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta.

“Qof xaasidnimo ku jirto ama aqoon la’aan ay heyso warkooda aniga oo dhag u dhigeynin, laakiin hadda waxaan aragnay xeer ay ka hadashay Culimadii waxyaalo saas ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hor hadlayey kulanka wadajirka ah ee xildhibaanada Gole ayaa soo saaray go’aan ka dhan xeerka Jnisiga, wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

“Xildhibaanada sharafta leh maanta labada Aqal waan fadhinaa midbaan idin caddeyneynaa oo idin ballan-qaadeynaaa wax Diinta Islaamka waafaqsaneyn,Dastuurkeena iyo shuruucda dalkana aan waafaqsaneyn inta aan qabano ma idin horkeeneyno” ayuu markale yiri.

“Shareecadeena iyo Dastuurkeena waa Diinta Ilaahey marka shacabka Soomaaliyeed yaan shaki la galinin wax aan Diinteena waafaqsaneyn nagama imaan doonaan,” ayuu raaciyey.

Dooda la xiriirta xeerka Jinsiga ayaa todobaadkan cirka isku sii shareertay, kadib markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin ay wacad ku martay in la meel marin doono sharcigan ama ay isaga tegi doonto magaalada Muqdisho.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAl-Shabaab oo ka hadashay weerarkii ay ku qaadeen hoteel Villa Rays
Next articleMagdalena Andersson oo Sheegtay in Ulf Kristersson uu been u Sheegay Shacabka Sweden