Home Wararka Maanta Indhacadde: Waligey dagaal kuma guuldareysan ee hogaankiisa noo dhiiba

Indhacadde: Waligey dagaal kuma guuldareysan ee hogaankiisa noo dhiiba

0

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa masuuliyiin xalay Dhuusamareeb uga qeyb gashay caleemo saarka golaha deegaanka iyo guddoomiyaha magaalada ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Indhacadde ayaa dhaar ku maray in Al-Shabaab aysan qof ka reebeyn Soomaalida ka soo hor jeeda gadii uu joogsado dagaalka ka socda gobollada qaar ee ka dhashay kacdoonka dadka shacabka ah.

Indhacadde ayaa dowladda dhexe ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeeyey in dagaalka ay hoggaamiso oo cid kale aysan ku haleyn xoreynta dalka, isagoo balan qaaday in saraakiisha hoggaamineysa dagaalka uu qeyb ka noqa doono.

“Anagu sida xabadda loo rido waa naqaan iyo sida dagaalka loo qorsheeyo, weligey dagaal aan hoggaaminaayo kuma jebin oo la igama guuleysan, Allaah ayaa ku mahadsan ee dagaalka na geliya, aan cadowga iska dul qaadnee,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Jananka ayaa ka digay in Al-Shabaab la siiyo fursad ay ku nastaan po qorshe dagaal ay ku dejiyaan, maadaama bilihii lasoo dhaafay aad loogu jebiyey furimaha dagaalka, balse hadda uu istaagay dagaalkii ku socday kooxda.

Indhacadde ayaa Madaxweynaha Galmudug ayuu kula taliyey in mudada yar ee uga hartay xil-heyntiisa uu dhaxal suuban iyo xornimo uu uga tago dadkiisa, “Hadii aad u hagar baxdo dadkaagu waa ku adeeci doonaan Madaxweyne insha allah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Indhacadde.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleBoqolaal qof oo ku dhintay dhulgariir xooggan oo u dhuftay magaalada Cianjur (Sawirro)
Next articleAl-Shabaab oo lagu jebiyey weerar Culus ay koox macawiisley ah ku qaadeen