Home Wararka Maanta Eeney Ureyn Garaar Ooyow oo ka Tirsanaa Alshaba oo xukun adag lagu...

Eeney Ureyn Garaar Ooyow oo ka Tirsanaa Alshaba oo xukun adag lagu riday

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi daa’in ah ku riday Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) oo lagu helay in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Eenay Ooyow ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray isaga oo yar, wuxuuna kooxda argagixisada ah u qaabilsana qeybta qaraxyada, sida ay sheegtay maxkamaddu.

Ciidanka dowladda ayaa 13-kii bishii June ee sanadkaan Eenay Ureyn Garaan Dooli (Ooyow) ka soo qabtay degmada Afgooye.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan Al Shabaab uu kaga biiray deegaanka Ceel-Bashiir ee hoostagta degmada Buur-hakaba, waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Horjoogihiisii kooxda

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay sidii uu usoo dhamaystiri lahaa hab raaca muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii bishaan, ayada oo maxkamadda la wadaageen qiraalka eedeysanaha.

Xukunka maxkamadda ee xabsi daa’inka kadib Abuukataha u doodayey eedeysanaha ayaa maxkamadda ka codsaday inay u fiiriso sifaha danbi fududeya maadaama uu eedeysanaha qiraal yahay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Gaashaanlaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in xukunsanaha heysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Qatar(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan degmo ka tirsan shabeelaha Dhexe