Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xildhibaan Jeesow oo war ka soo saaray kulankii beeshiisa iyo madaxweyne Xasan

Xildhibaan Jeesow oo war ka soo saaray kulankii beeshiisa iyo madaxweyne Xasan

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii ay shalay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beledweyne ay kula kulmeen iyo dagaalka Al-Shabaab.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen sidii deegaanada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, halkaas oo beesha uu metelo Jeesow ay degto.

“Dagaalkaan waxaa iclaamiyey Madaxweynaha, kulan gaar ah ayaan la yeelanay aniga waxgaradka beesha, wuxuu naga balan qaaday in wixii qaldan la sixi doono, laakiin in la xoreeyo dhulkeenna ayaa wax kasta ka horeysa,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa ku hanjabay in beeshiisa ay dhawaan qaadi doonto dagaalkii ugu cuslaa adib, isagoo ugu baaqay dadka uu metelo dal iyo dibad inay is garab istaagaan oo loo diyaar garoobo dagaal la isaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab,

“Meel kasta oo beesha aan metelo ay degan tahay, Hiiraan ilaa Jubbaland, maalmaha soo socda dagaal ka culus kuwii hore oo kooxda Al-Shabaab lagu laayo ayaa ka bilaaba doona, jaaliyadaha beesha waxaan ka codsanayaa inay garab istaag noo muujiyaan,” ayuu yiri.

Xildhibaan Jeesow ayaa intaas ku sii daray, “Deegaanka aan kasoo jeedo ee galbeed Hiiraan waxaa laga bilaabayaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, Madaxweynaha waan kawada hadlay howlgalkaas, wixii tabasho ah waa la xalinaa, socdaalkii madaxweynaha ayaa ahaa in la dardar geliyo dagaalka, waana dhaqaaqeynaa.”

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleNin Hubaysan oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Gudaha U Galay Xero Ciidamada Kenya Daganayeen Askarna Ku laayay
Next articleSiyaasi caan ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho oo Dhawaan Xildhibaan u Tartamay