Home Wararka Maanta Sweden oo u hogaansantay dalabkii cuslaa ee uga yimaada Dowlada Turkey

Sweden oo u hogaansantay dalabkii cuslaa ee uga yimaada Dowlada Turkey

0

Baarlamaanka dalka Sweden ayaa meel mariyay wax ka beddelka dastuurka dalkaas, kaas oo suurta-gelinaya in la meel mariyo sharciyo adag oo ka dhan ah argagixisada, taas oo ah dalab muhiim ah oo ka yimid Turkiga, si loo ansixiyo xubinnimada Stockholm ee isbaheysiga NATO.

Kadib markii uu Ruushku ku duulay Ukraine, Sweden iyo Finland waxay ka tageen siyaasadii ay muddada dheer kusoo jireen ee aheyd dhex-dhexaadnimada, waxayna codsadeen inay ku biiraan isbahaysiga milatari ee NATO.

Balse Turkiga ayaa is-hortaagay codsiyadii Sweden iyo Finland ee xubinnimada NATO, isagoo ku eedeeyay gaar ahaan Stockholm inay hoy u tahay “argagixisada”.

Mooshinka wax ka bedelaka dastuurka, oo lagu ansixiyay 278 cod oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ka kooban 349 kursi, ayaa suurtagal ka dhigaya in lasoo saaro sharciyo cusub oo lagu xaddidayo xorriyadda ururrada marka ay timaado ururada ku howlan ama taageera argagixisada.

Khubarada ayaa sheegay in sharciga cusub uu sahli doono in dacwad lagu soo oogo xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo ay Ankara iyo inta badan xulafadeeda Reer Galbeedka ay mamnuuceen.

Is-badalka lagu sameeyay dastuurka ayaa dhaqangeli doona 1-da Janaayo 2023.

Booqasho uu ku tagay Ankara toddobaadkii hore, ra’iisul wasaaraha cusub ee Sweden, Ulf Kristersson, ayuu ku tilmaamay wax ka bedelka dastuurka “tallaabo weyn”.

“Sweden waxa ay qaadi doontaa tillaabooyin waa weyn dhammaadka sanadka iyo horraanta sanadka soo socda taasi oo siin doonta hay’adaha sharciga Sweden awood dheeri ah oo ay kula dagaallamaan argagixisada” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGolaha Ammaanka QM oo isbeddel lama filaan ah ku sameeyey xayiraadii hubka ee Somalia
Next articleMareykanka oo qaatay go’aan ka farxiyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan