Home Wararka Caalamka Dad ka badan 20 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhisme ku...

Dad ka badan 20 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhisme ku yaalla marinka Gaza (Sawirro)

0

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhimatay tiro kalana way ku dhaawacmeen kadib markii uu dab qabsaday dhismo Marinka Gaza oo ay ka socotay xaflad, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka iyo gurmadka rayidka ah.

Waxay ku qaadatay kooxaha dab-damiska in ka badan saacad si ay u xakameeyaan ololka weyn ee ka kacay dabaqa sare ee dhismo afar dabaq ah oo ku yaal xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.

Ambalaasta ayaa dhowr qof oo dhaawac ah ula cararay cisbitaallada maxalliga ah, Israa’iil oo ilaalinaysa xannibaadda Gaza, ayaa sheegtay inay oggolaan doonto kuwa u baahan daaweyn in loo gudbiyo goobaha Caafimaadka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Qaza ayaa sheegtay in baaritaan bilow ah oo la sameeyay lagu ogaaday in goobta lagu keydiyay shidaal aad u badan, taasoo sii hurineysa dabka oo si degdeg ah u qabsaday dhismaha.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay maqlayeen qeylo dhaanta balse aysan waxba u qaban waayeen dadkii ku jiray dabka oo aad u xooganaa awgeed.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa ku tilmaamay musiibo qaran, wuxuuna sheegay inay jiri doonto maalin baroor diiq ah.

Xuseen Al-Sheikh oo ah xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee ururka xoreynta Falastiin ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in maamulka Falastiin uu ku booriyay Israa’iil inay furto marinka Erez ee Gaza si loogu daabulo kiisas halis ah si loogu daweeyo meel ka baxsan xuduudda. haddii loo baahdo.

“Madaxweynuhu wuxuu bixiyay awaamiir ah in si degdeg ah loo bixiyo dhammaan noocyada caafimaadka iyo gargaarka kale,” ayuu Sheekh ku yiri Twitter-ka.

Tor Wennesland, oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan nabadda ee Bariga Dhexe ayaa tacsi tiiraanyo leh” u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilkaas, qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Jabalia waa mid ka mid ah siddeed xero qaxooti oo ku yaal Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, waana mid ka mid ah meelaha ugu dadka badan adduunka.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo la kulmay Gudoomiyeyaasha Baarlamaanda Federalka iyo Maamul Goboleedyada(Sawiro)
Next articleCanada oo boqolaal Soomaali ah u masaafurineysa sabab yaab leh