Home Wararka Caalamka Sweden oo ka hadadshey Qaraxii ka dhacay Magaalada Istanbul ee Turkiga

Sweden oo ka hadadshey Qaraxii ka dhacay Magaalada Istanbul ee Turkiga

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden Tobias Bilstrom ayaa cambaareeyay qaraxii argagixiso ee shalay ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

“Sida had iyo jeer, waxaan garab istaagnaa dadka ku nool wadamada uu saameeyay falkan argagixisanimo,” ayuu yiri Billstrom.

Bellstrom ayaa maanta oo Isniin ah ka qayb galay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ee Brussels. Waxa uu sheegay in dhacdadani aysan “wax saameyn ah ku yeelan doonin” wadashaqeynta Sweden ay la leedahay Turkiga ee ku saabsan codsigeeda xubinnimada NATO.

“Dabcan waxaan sugeynaa natiijada ka soo baxda baaritaanka booliska ee ay sameyn doonaan madaxda Turkiga. Intaa ka dib, waxaan soo saari doonaa gabagabada.”

“Dabcan, sida had iyo jeer, waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno mas’uuliyiinta booliiska ee dalalka oo dhan marka ay timaado argagixisannimada. Arrinkan, waxa kale oo aanu haynaa qoraal ay ku saxeexan yihiin dalalka Sweden, Finland iyo Turkiga, kaas oo sidoo kale sheegaya in aanu iska kaashan doono arrimahan oo kale. Sida laga soo xigtay TT.

Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Istanbul ayaa sababay dhimashada 6 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah iyo dhaawaca in ka badan 80 qof. Maamulka Turkiga ayaa sheegay in ay xireen haweeneydii weerarka geysatay, iyagoo caddeeyay in ay dhalasho ahaan ka soo jeedo Suuriya, ayna “la soo tababartay xisbiga shaqaalaha Kurdistan”. Maamulka Turkiga ayaa ku eedeeyay PKK iyo xisbiga Democratic Union Party inay ka dambeeyeen weerarka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Turkiga oo Gacanta Kusoo Dhigtay Ruuxii ka Danbeeyey Qarixi ka Dhacay Stanbul(Sawiro)
Next articleSuldaan C.naasir jaamaca Seed oo Deeq Xoolaha Gaarsiiyay Ciidamada Daraawishta Galmudug(Sawiro)