Home Wararka Maanta Muxuu yahay markabka ay saaran yihiin 800 oo qof oo qaba xanuunka...

Muxuu yahay markabka ay saaran yihiin 800 oo qof oo qaba xanuunka Covid-19?

0

Markab raaxada ee qaada dadka fasaxa ah oo siday ilaa 800 oo rakaab ah oo qaba xanuunka Covid-19 ayaa ku soo xirtay magaalada Sydney ee dalka Australia.

Markabka oo la yirahdo Majestic Princess ayaa yimid Circular Quay, isagoo ka soo shiraacday New Zealand.

Qiyaastii 4,600 oo rakaab ah iyo shaqaalihii markabka ayaa saarnaa markabka markii uu soo xirtay – taasoo la macno ah in shantii qofba uu mid uu qabo Covid.

Dhacdadaan ayaa waxay dib inoo xasuusinaysa markabkii Ruby Princess ee uu Covid-ka ka dhex dillaacay horraantii 2020, halkaas oo ugu yaraan 900 oo qof laga helay hala 28 ka mia ahna ay u dhinteen.

Marguerite Fitzgerald, oo ah madaxa hawl wadeenada dalxiiska ee Carnival Australia, ayaa sheegay in tiro badan oo kiisaska la ogaaday qiyaastii kala barkii safarka 12-ka maalmood ahaa.

“Dhammaan kiisaska waxay ahaayeen kuwo khafiif ah, ayay tiri.

Shaqaalaha markabka ayaa waxay dhammaan dadka dalxiiseyaasha ah ee u uku dhacay xanuunka ka caawin doonaan “helitaanka gaadiidka gaarka ah iyo hoyga si ay u dhammaystiraan muddada karantiilka”, ayay tiri. Markabku wuxuu dhawaan u shareecan doonaa magaalada Melbourne

Mar wax laga weydiiyay isbarbardhigga iyo farqiga u dhexeeya markabkan Princess Majestic iyo markii Ruby Princess – Ms Fitzgerald waxay tiri: “Wixii markaas ka dambeeyay, bulsho ahaan wax badan ayaan ka baranay, gaar ahaan wax badan oo ku saabsan Covid.”

Faafitaanka ayaa imaanaya iyadoo kiisaska Covid ay kor u kaceen guud ahaan Australia.

Gudaha New South Wales, 19,800 xaaladood oo cusub ayaa laga helay todobadii maalmood ee la soo dhaafay.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWaalidiinta askarta Eritrea ku maqan oo shaaciyey xog ay la wadaageen wiilashooda
Next articleWaa kuma ninka Soomaaliga ah ee taariikhda cusub ka dhigay gobol ka tirsan Mareykanka?