Nin kalluumaysato oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee ka jawaabay shilkii diyaaradeed ee Axadii ee ay ku dhinteen 19-ka qof kaas oo ka dhacay harada Victoria ee dalka Tanzania, ayaa ka sheekeeyay sida uu isugu dayay in uu badbaadiyo duuliyayaashii ku xanibnaa qolka diyaarada laga wado iyo sida uu ugu dhawaaday in uu naftiisa ku waayo isaga oo isku dayaya in uu badbaadiyo.
Majaliwa Jackson ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu yahay geesi halyeey ah, waxaana la guddoonsiiyay 1 milyan oo shilinka Tanzaniya ah oo u dhiganta 430 iyo doolar, waxaana uu shaqo ka helay kooxda dab damiska iyo badbaadada dadaalkiisa ka dib.
Isagoo BBC-da kula hadlayay sariirtiisa isbitaalka magaalada Bukoba , ka hor ku dhawaaqidda dowladda , Mr Jackson ayaa sheegay in uu argagaxay markii uu arkay diyaaradda rakaabka oo ku soo socota jiha qaldan, ka hor inta aysan ku dhicin harada.
Isaga iyo saddex nin oo kale oo kaluumaysato ah oo ay saaxiibo ahaayeen ayaa waxay u soo sharaacdeen dhanka diyaaradda ay ku dhacday waxana uu ka caawiyay in uu furo albaabka dambe, taas oo ka caawisay rakaabkii fadhiyey dhinaca danbe ee diyaaradda in la soo badbaadiyo.
Jackson ayaa sheegay in markaasi ka dib uu u dabbaashay dhanka afka hore ee diyaaradda. Isaga iyo mid ka mid ah duuliyayaasha ayaa daaqadda diyaaradda ka wada hadlay gaar iyagoo isticmaalayaa gacanta.
“Wuxuu igu amray in aan muraayadda daaqada jabiyo, biyaha ayaan ka soo baxay, waxaana waydiiyay ilaalada garoonka, oo markaasi soo gaaray harada in ay hayaan qalab aanu ku burburin karno muraayadda.
“Waxay i siiyeen masaar, balse waxaa iga hor istaagay nin la hadlayay bulshada waxa uu sheegay in duuliyaasha ay la hadleen aysana jirin wax biyo oo galay dhanka ay ku jiraan duuliyeyaasha,” ayuu yiri Mr Jackson. Waxa uu intaa ku daray in markii la istaajiyay uu dib u quusay oo uu u gacan haatiyay duuliyaha.
Laakin duuliyaha ayaa markaa tilmaamay in uu wali doonayo in la badbaadiyo.
“Wuxuu ii tilmaamay albaabka degdegga ah ee qolka laga hago diyaaradda, dib ayaan u dabaashay waxa aana qaatay xarig oo aan albaabka ku xiray, waxaana isku daynay inaanu doomo kale ku jiidno, balse xarigii ayaa go’ay oo wejiga igaga dhacay ka dibna waan miyir daboolmay. Ka dib waxaan soo naaxay un anigoo halkan cisbitaalka joogo,” ayuu yiri Mr Jackson.
Labada duuliye ayaa ka mid ahaa 19-ka qof ee dhintay kaddib markii diyaaradda – oo ay maamusho shirkadda Precision Air, oo ah diyaaradda ugu weyn Tansaaniya – ay ku burburtay meel u dhow xeebta harada.
43-dii qof ee doonta saarnaa waxaa ka badbaaday 24 qof, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha ee Precision Air.
Xaflad Baroor-diiq ayaa isniinta maanta ah loo sameeyay 19-ka qof ee naftooda waayay taas oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee degmada Bukoba.
Ra’iisul wasaaraha Tanzania, Kassim Majaliwa oo ka hadlay munsaasabadda baroordiiqa ayaa sheegay in dowladdu ay bixin doonto qarashka ku baxaya aaska.
Mar sii horreysay, wuxuu sheegay in baaritaan ballaaran lagu sameyn doono si loo ogaado sababta keentay burburka diyaaradda.
Diyaaradda ayaa ka soo baxday caasimadda ganacsiga ee Dar es Salaam maalintii Axadda, waxayna ku sii hakatay Mwanza ka hor inta aysan burburin abbaare 8:50 xilliga maxalliga ah xilli ay ku sii jeedday garoonka diyaaradaha ee Bukoba.
Gegida diyaaradaha waa la xiray ilaa amar dambe