Home Wararka Maanta Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo lasoo Bandhigay

Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo lasoo Bandhigay

0

Ciidamada booliiska degmada Wadajir oo sameeyay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ayaa gacanta kusoo dhigay dhallinyaro lagu eedeeyay in ay faraha kula jireen falal amniga degmada lidi ku ah.

Dhallinyaradn ay soo qabteen ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay in ay dhac u geesanayeen dadka shacabka ah, waxaa sidoo kale dhallinyaradan lagu eedeeyay in ay wax u dhimayeen amniga iyo xasiloonida degmada .

Maamulka dcegmada Wadajir ayaana sheegay in dhallinyaradan ahaayeen kuwa cabasho ka keeneen bulshada degmada, waxa ayna xuseen in laamaha amniga ku daba jireen kuwa kale oo iyana baxsad ah.

Dhallinyarada ciidamada amniga kasoo xireen degmada Wadajir oo sawiradooda iyo magacyadooda lasoo bandhigay ayaa la sheegay in looga gonleeyahay in lagu cabsi geliyo kuwa kale ee falalka nuucaan oo kala ah ku howlan.

Halkan ka Akhriso magacyada dhallinyaradan la xiray

1. Cabdulqaadir Cabdullaahi Maxamed (Shiikheey)

2. Maxamed Cali Cumar (Jinijini)

3. Cabdulqadir Saalax Mursal (Khaakhaa)

4. Xassan kaafi Cabdi Cali (Qoyste)

5. Muuse Maxamed Xasan ( Muusaay)

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleAadan Maxamed Cali iyo Maxamed Cali oo Horay Bosaaso iyo Muqdisho Dad ugu laayay oo Saakay la Toogtay
Next articleP.M Xamze Oo Ka Hadlay Sida Uu Noqonayo Xiriirka Soomaaliya Iyo Qatar Kadib Isbedelkii 15ka May.