Masjid Cali Gaduud dagaalkii ka socday waa daba dheeraaday.
Dhawr jeer ayaa laysu laabtay sida aan warka ku helnay.
Dhinaca Dawladda waxay sheegatay guul wayn oo aan la qiyaasi karin, waxaana jira maxaabiis iyo gaadiid ay ciidamadu furteen.
Masjid Cali Gaduud wuxuu AS u ahaa xarun wayn, haddii laga saaro, waxaa culays fuulayaa Aadan Yabaal. Deegaankaan waxaa lugu sheegaa xarunta labaad ee ugu wayn oo AS ay ku leeyihiin Shabeelada Dhexe.
Labada dhinac waxay helayaan gurmad, goobtii dagaalka waxaa la sheegay in ay dawladdu ku sugantahay.
Ciidamada Dawladda ee Masjid Cali Gaduud ka dagaalgalay waxay kasoo ruqaansadeen saaka, deegaan u dhaw oo la yiraahdo Burdacar.
Ad