Home Wararka Maanta Dhaawacyada qaraxyadii Jalalaqsi & Buula-burte oo la keenay Muqdisho(Sawiro)

Dhaawacyada qaraxyadii Jalalaqsi & Buula-burte oo la keenay Muqdisho(Sawiro)

0

Waxaa caawa Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyey 17 ruux oo kamid ah dad shacab oo galabta ku dhaawacmay qaraxyadii Al-shabaab ku weerareen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

Dhaawacyada waxaa  garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Maareenta musiibooyinka Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Dayuurad gaar ah oo DF ay ka dirtay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney degmooyinka Buulo Burde iyo jalalaqsi ka soo qaaday dadka dhaawaca ah oo qaarkood xaaladoodu aad u liidato.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay laba qarax oo maanta ka kala dhacay magaalooyinka Buulo Barde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta magaalada Jalalaqsi ayaa sheegay in baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay bar kontorool oo laga hubiyo baabuurta u socota buundada magaalada. Baabuurkaas ayaa qaraxiisa uu burburiyey dhisme ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise, iyo Gudoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xil-wareejin samaynin.

Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta magaalada Buulo Barde ayaa sheegay in qarax loo adeegsaday mooto bajaaj lagu dhuftay buundada magaalada ee kormarta webiga Shabeelle, ugu yaraan hal qof ayaana ku dhintay qaraxa oo sidoo kale burburiyey qayb ka mid ah buundada oo uu dalooliyey.

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleCabsi Xooggan oo ka jirta Baledweyn iyo Buundooyinka oo loo diiday in gaadiidka maraan
Next articleXayeysiiska Gabar Xijaaban oo Muran ka dhalisay Dalka Sweden