Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si weyn loogu soo dhaweeyay cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo kusoo guuleystay koobka cayaaraha bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.
Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa garoonka si weyn ugu soo dhaweeyay ciyaartoyda kusoo guuleesatay koobka bartamaha Afrika ee lagu qabtay dalka Itoobiya.
Ciyaartoyda iyo masuuliyiinta ayaa loogu hambalyeeyay guusha ay qaranka Soomaaliya usoo huwiyeen , waxaana la filayaa in madaxda dalka qadsho sharaf iyo casuumaad u fidiyaan ciyaartoyda guusha ku hoggaamnisay Qaranka.
Ad