Taksiilaha ayaa la toogtay kadib markii uu soo dhameystay shaqadiisa, waxaana uu gaariga dhigay xaafada Bergsjön ee waqooyi bari magaalada Göteborg.
Booliska ayaa dhacdada 3.25 ku wargaliyay dhowr qof oo maqlay rasaasta oo arkay nin dhulka jiifa.
– Inta aan ogahay, boolisku hore uma yaqoon, ayuu yidhi afhayeenka bilayska Peter Adlersson.
Booliiska ayaa raadinaya hal ama ka badan dembiilayaal, laakiin hadda ma haystaan fikrad ah cidda ka dambaysa.
54 qof ayaa lagu toogtay gudaha Sweden sanadkan.