Home Wararka Maanta Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Saldhig ee leeyihiin Ciidamada...

Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Saldhig ee leeyihiin Ciidamada Ruushka

0

Saldhig ay leeyihiin ciidamada Ruushka oo kuyaalla xadka uu la wadaago dalka Ukraine ayaa waxaa ka dhacday toogasho, waxaana halkaasi lagu dilay dad mutadawiciin ah oo qaadanayay tababar ciidan.

Wakaaladda wararka u faafisa Ruuska ayaa ku warantay in labo nin oo hubeesan oo ku sugnaa gudaha saldhiga in rasaas huwiyeen qaar kamid ah dadkii saldhiga ku sugnaa, waxa ayna goobtaasi ku dileen 11-qof halka tiro kalana dhaawaceen.

Toogashada ayaa dhacday xilli askarta tababarka lagu siinayay hub rididda, labo nin oo hubeysan oo saldhiga ku sugnaa ayaa rasaas ku furay koox mutadawaciin ah oo dooneysay in Ruushka ay uga qeybgalaan dagaalka Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa toogasho ku dilay labada nin ee weerarka toogashada geestay, waxaana falkan dhacay xilli dowladda Ruushka ay qoreyso dad mutadawiciin ah ay dooneyso in ay ka qeyb galaan dagaalka ka socda Ukraine.

Ad
Previous articleCiidamo uu Hogaaminaayo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo Alshabaab Degaano Hor leh kala Wareegay
Next articleMareykanka oo Shaaciyay inBeesha Xawaadle lagu fiirsaday dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab