Home Wararka Maanta Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga oo Arrimo Muhiim ah isla meeldhigay (Sawirro)

Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga oo Arrimo Muhiim ah isla meeldhigay (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Senator Abdi Hashi Abdullahi, oo ku sugan daalka Turkiga ayaa kulan kula qaatay magaalada Ankara ee dalka Turkiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, Mudane Mustafa Sentop.

Labada Guddoomiye ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen adkaynta xiriirka labada Baarlamaan iyo sidii labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen.

Guddoomiye Cabdi Xaashi marka uu dalka dib ugu soo laabto isaga oo kaashanaya Guddoomiyha Golaha Shacabka BFS, waxay diyaarin doonaan dhismaha xubnaha guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo hal arin ka Codsaday Madaxweyne Musaveni
Next articleWasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Washington Uga Qeybgalaya Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka.