Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka baxay ciidamo badan oo wata gaadiidka kuwa dagaalka, ciidamadan ayaana u dhaqaaqay deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe oo ay maamulaan Al Shabaab.
Ciidamadan ka baxay magaalada Muqdisho oo beel ahaan kasoo jeeda Abgaal, ayaa u dhaqaaqay sidii ay Al Shabaab uga saari lahaayeen deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, oo Al Shabaab gacanta ku hayaan.
Sida aan wararka ku helnay ciidankan ayaana ku biiraya ciidamo horey uga baxay magaalada Muqdisho oo ku sugan deegaano katirsan Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidan bilaabayaan dagaal Al Shabaab kaga saarayaan deegaano badan.
Saraakiisha iyo masuuliyiintan ciidankan hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedkooda yahay in Al Shabaab la dagaalamaan kana saaraan deegaanada beeshooda degto, oo ay ka joogaan gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Al Shabaab ayaa hadda waxaa furin dagaal kaga furan yahay gobilka Hiiraan, waxaana la doonayaa in kooxdan sidoo kale lagu furo furomo badan si loo wiiqo awwoodeeda loogana saarayo qeybo badan oo dalka kamid ah.