Home Wararka Maanta Wasiirka Amniga Oo Odowaa Iyo Xijaar Kala Hadlay Dar Dar Gelinta Dagaalka...

Wasiirka Amniga Oo Odowaa Iyo Xijaar Kala Hadlay Dar Dar Gelinta Dagaalka Shabaab.

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda Soomaaliya Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali “Doodishe” ayaa Maanta xafiiskiisa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar.

Wasiir Dr. Maxamad Doodishe ayaa Warbixin guud ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yusuf Raage kuna saabsaneday hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaannada kala duwan ee dalka.

Kulanka waxaa kaqeeb-galay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Cabdi xasan maxamad Xijaar wuxuu Soo Bandhigay qorshaha xasilinta iyo la wareegidda amniga deegaannada la xureeyay.

Jeneraal Odowaa oo dhawaan ka soo laabtay furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Shabaab ee ka socda maamulada Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa Muqdisho dib ugu soo laabtay si uu warbixin u siiyo masaxxa sare ee dalka.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Talaabo adag ka Qaaday Al-Shabaab
Next articleAl-Shabaab oo iyana digniin culus siisay warbaahinta ka dib amarkii ka soo baxay Dowlada er Shalay