Home Wararka Maanta Jeneraal Odawaa oo Farriin Dardaaran ah u jeediyay Saraakiisha iyo ciidamada Dowladda...

Jeneraal Odawaa oo Farriin Dardaaran ah u jeediyay Saraakiisha iyo ciidamada Dowladda Xili Dagaal Adag Socdo

0

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa dagaalo xooggan kula jira kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowladda Soomaaliya bilowday howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee maamusha qeybo badan oo dalka kamid ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage , ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo lagu soo afjarayo kooxda Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in ay ka go’an tahay ka gungaarida howlagalada ka dhanka ah kooxdaasi.

Waxa uu sheegay taliyaha marka dagaal socdo ay imaanayaan dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidamada dagaalka kula jira Al Shabaab in ay sabraan oo ay muujiyaan dhabar adeeg.

“Argagixisada ugma tanaasuli doonno in Dadka Soomaaliyeed laga dul qaado, wax badan ayay isku dayayaan Laakiin Dadka Soomaaliyeed & Qaranka Soomaaliyeed midna cabsi gelin mayso, mar haddii aan dagaal ku jirno Dad badan oo qalbiyadeena ku wayn oo aan aad & aad u dareemi doonno ayaa naga dhimanaayo balse waxaa ka weyn yoolka aan u socono oo ah in Dadka Soomaaliyeed ay helaan Xorriyad & Nabad” Gen. Odawaa Yuusuf.

Dagaalka hadda ka socda qaar kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa noloshooda ku waayay saraakiil sar sare iyo askar badan, waxaana dadka dagaalka ku dhintay ku jira taliyihii booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo lagu dilay deegaanka Basra.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Shaacisay in la dilay horjooge Maxamed Nuur Shire
Next articleMaydka Maxamed Siciid oo ugu Danbayn lagu guulaystay in lasoo saaro