Taliyihii qeybta booliiska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Qaroole ayaa jimcihii lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Basro, waxaana meydka marxuumka shalay lagu aasay qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho.
Warar soo baxaya oon helnay ayaa sheegaya in durba bilowday olole xooggan oo lagu doonayo booska uu ka geeriyooday Jeneraal Farxaan Qaroole, waxaana beesha uu kasoo jeeday Farxaan Qaroole durba doonayaan in xilkaasi la siiyo nin iyaga kasoo jeeda.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda beesha reer Xaaji Saleemaan ayaa doonaya in booska taliyaha booliiska gobolka Banaadir loo magacaabo shaqsi ay iyaga wataan kuna beel ah.
Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Qoor Qoor iyo siyaasiyiinta la socota ayaa wata una geeyay Madaxweyne Xasan sheekh nin lagu magacaabo Macalin Mahdi, oo hadda ah taliyaha Nabad Sugida dowlad Goboleedka Galmudug.