Marka aad fiiriso xaaladdii siyaasadeed ee 2011kii ay Soomaaliya ay wajahaysay xilligaasna uu ku baxay Ra’iisul Wasaarihii hore soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo lana aaday hanaankii road-mapka.
Iyada oo uu joogay Soomaaliya xilligaas Augstine Mahiga Oo ahaa Wakiilkii gaarka ahaa QM u joogay Soomaaliya, aadna la iskugu hayay arinta doorashada ayay Midowga Afrika Waxa ay Soomaaliya u soo magacawday ergay gaar ah oo ahaa Madaxweynihii hore Ghana Jerry John Rawlings.
Ergaygaas ayaana ugu dambayn suura geliyay hanaankii road mapka, Waxaana halkaas ku baxay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ah Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday.
Haddaba xagee iskaga igyihiin 2011 iyo 2021.
Ad