Home Wararka Maanta William Ruto oo shaaciyey laba arrin oo madaxweyne Xasan Sheekh ka go’an

William Ruto oo shaaciyey laba arrin oo madaxweyne Xasan Sheekh ka go’an

0

 Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Willima Ruto ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka France 24.

Madaxweyne Willima Ruto ayaa Xasan Sheekh ku tilmaamay hogaamiye door firfircoon ka qaatay dadaalada lagu xakameynayo khatarta kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, sidoo kalena weerarro ka geysata Kenya.

“Tan iyo doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan la kulmay laba jeer, wuxuu leeyahay aragti aad u cad oo ku saabsan halka aan u baahanahay inaan aadno. Waxaan filayaa inay aad uga go’antahay la dagaalanka Al-Shabaab, marka Xasan go’aankiisu waa cad yahay,” ayuu yiri Willima Ruto.

Madaxweynaha Kenya ayaa la weydiiyey inuu qorsheynayo inuu ciidamada Kenya ka soo saaro Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay, “Ciidamadaas waxay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda, markii aan dhammeyno howsha aan u hayno Soomaaliya.”

Madaxweynaa Kenya Willima Ruto ayaa wareysigaan bxiiyey todobaadyo kadib markii Al-Shabaab ay sheegtay inay weerarro culus  ka geysan doonto gudaha dalka Kenya.

Hanjabaada Al-Shabaab waxaa saldhig looga dhigay inay weerarradaas qaadi doonaan hadii madaxda cusub ee dalka Kenya ay iska dhaga tiraan dalabaadkooda ku aadan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDiyaaradaha Turkiga oo ku biiray Dagaalka Lagu Baacsanaayo Alshabaab
Next articleDEG DEG: Ciidamada Huwanta oo La wareegay Degaanka Ceel-lahelay ee Gobalka Galgaduud