Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Farsamo Cusub lasoo baxday Kadib kacdoonkii lagu weeraray

Alshabaab oo Farsamo Cusub lasoo baxday Kadib kacdoonkii lagu weeraray

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa si faahfaahsan uga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kacdoonka shacab ee ka billowday gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in kooxdu wajaheyso cadaadis xoogan oo ciidamada dowladda iyo shacabka uga imaanaya, balse wuxuu tilmaamay in hadda billowday xeelad cusub oo isaga jeedineyso dagaallada ku socdo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay billowday isku dirka beelaha, isla-markaana ay jiraan dad ay lacag ku siisay arrintaas, si ay isaga horkeenaan beelaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay ku raadjoogaan dadkaasi, islamarkaana ay ka qaadi doonaab tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Waxa kale oo uu xusay in hay’daha ammaanka ay la socdaan arrintaan, islamarkaana ay wadaan dabagal iyo baaris, si looga hortago qorshaha kooxda Al-Shabaab.

“Waxa aan heynaa oo caddeymaheeda la hayaa oo qaarkood Hay’adaha Sharciga & ammaanka daba socdaan Dad Al-Shabaab ay lacag ku siiyeen in ay qabaa’il isku dhuftaan oo qaarkood shaqadaas fuliyay, goobaha inta badan hadda qabiillada la isku dhuftayna waa goobaha culeyska ka jiro oo Al-Shabaab qabaa’ilka Soomaaliyeed kula dagaalamayaan ama iska abaabulayaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dhaq dhaqaaqyo milatari iyo howlgallo  ay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ee ku sugan deegaannada HirShabelle iyo Galmuduylg.

 

 

 

 

Ad
Previous articleWilliam Ruto oo xil Sare u magacaabay Uhuru Kenyatta
Next articleQandaraas lagu Bixinaayo shidaalka Soomaaliya oo la ansixiyey