Waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa yeeshay Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Galmudug, waxaana shir Gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr Maxamed Nur Gacal Oo Ay Wehlinaysey Guddomiye Kuxigeenka Labaad Ee Baarlamanka Marwo Faadumo Cabdi Cali.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa;
Qorshaha Dib u eegista Dastuurka Galmudug
Guddiga Dastuurkaa, dib u heshiisiinta & arrimaha gudaha ee Baarlamaanka ayaa soo jeediyay qorshe wax looga beddelayo Dastuurka Galmudug, dood iyo falanqeyn kadib, Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Galmudug ayaa go-aamiyay in berri 12 Sebtember la horgeeyo Qorshaha wax ka beddelka Dastuurka Golaha Guud ee Baarlamaanka Galmudug.
Ii
Ad