Home Wararka Maanta Wakiilka Sare Josep Borrell oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

Wakiilka Sare Josep Borrell oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

0

Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrell ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo noo xaqiijiyeen 

Borrell ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida aan xogta ku helnay. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah inuu la kulmo madax goboleedyada ku sugan caasimadda, balse taasi ma hubna.

Wax faah-faahin ah lagama bixin ujeeddada booqashada Borrell ee Muqdisho, hase yeeshee waxaa la filayaa inuu madaxda dowladda federaalka kala hadlo arrimo ay ka mid yihiin; xiriirka Midowga Yurub iyo Soomaaliya, kaalmada ururka uu siiyo Soomaaliya iyo arrimaha abaaraha.

Waxaa suurta-gal in booqashadan ay qeyb ka tahay dadaal ay beesha caalamka sare ugu qaadeyso wacyiga abaarta Soomaaliya, oo hay’adaha QM ay sheegeen inay saameysay kala bar dadka Soomaaliyeed.

QM ayaa toddobaadkii hore ka digtay in bilaha October illaa December ay Soomaaliya ka dhici karto macluul, haddii aan si deg deg ah loo qaadin tallaabooyin gargaar baaxad leh loogu fidinayo Soomaaliya.

Hay’adaha QM ayaa sheegay in loo baahan yahay $1 bilyan oo dollar oo gargaarkaas lagu fidiyo.

Warbaahinta ayaa horey u qortay in dowladda federaalka ay kasoo horjeeddo in beesha caalamka ay ku dhowaaqdo in macluul ay ka jirto dalka, ayada oo rumeysan in heekra abaartu aanay gaarin macluul.

Sheegashada hay’adaha QM iyo beesha caalamka iyo xaqiiqda abaarta dalka ka jirta ayaa la rumeysan yahay inay aad u kala fog yihiin, islamarkaana aysan sax aheyn in 7.8 milyan oo Soomaali ah ay abaartu saameysay.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa caan ku ah in ballaayin dollar ay kusoo qaataan magaca Soomaaliya, haddana xitaa 10% lacagtaas aysan gaarin shacabka Soomaaliyeed.

Lacagta magaca Soomaaliya lagu soo qaado ayaa badankeed ku baxda shaqaalaha hay’adahan oo qaarkood deggan hoteello ku yaalla Xalane iyo Nairobi oo habeenkii lagu seexdo $500 iyo ka badan.

 

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSaraakiil ka Tirsan XDS oo gaaray Degmada Baxdo ee Galmudug (Sawiro)
Next articleXildhibaan Xusul oo Go.aan kale kaso saray Hadalkiisa Dooda badan Ka Dhalatay macawislayda uu ku Duray