Home Wararka Maanta Madaxweynaha dalka Ukraine oo Shaaciyay in Gargaar usoo dirayaan Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Ukraine oo Shaaciyay in Gargaar usoo dirayaan Soomaaliya

0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in dalkiisa gargaar bini’aadanimo usoo dirayaan dalka Soomaaliya oo xilligan qeybo kamid ah ka jiraan abaaro dad iyo duunyaba saameyn xooggan ku yeeshay.

Qoraal uu madaxweynaha soo dhigtay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in gargaar cunto u dirayo Soomaaliya maalmaha soo socda, waxa uuna xusay in uu rejo ka qabo in gargaarkan uu wax u taro dadka baahiyaha u qaba.

”Marka laga soo tago maraakiibtii hore ee u siday Badarka Afrikaanka, 28,600 oo tan oo sarreen ah, ayaa la keeni doonaa Soomaaliya toddobaadyada soo socda.” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, ayaa cadeeyay in tallaabadani gargaarka ku dirayaan ay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto in Qamadiga lagula tacaalo cunto yarida soo food saartey dunnida.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleBuuq Xoog leh oo Ka taagan Magacaabista Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Shir looga soo Jeestay oo la qabtay(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan oo Magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir